Soomaaliya oo ka Qayb-gashay Shirka Cimilada Wadamada kasoo kabanaya Colaadaha: SAWIRRO

0
437

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xil. C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka qaybgalay kulan looga hadlay saamaynta taban ee is-beddelka cimiladu ku leeyahay dalalka colaadaha kasoo kabanaya, kaasoo barbar socday shirka shandlaha ah ee kulamada Gu’ga (Spring meetings) ee ka socda Washington.

Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa; Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ghana oo madax ka ah dalalka 20-ka ah ee u nugul is-beddelka cimilada, madaxa COP28 ee dalka Imaaraadka Carabta, madaxa Bankiga Adduunka ee is-beddelka cimilada ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya, ayaa diiradda lagu saaray xal u helidda saamaynta taban ee is-beddelka cimilada gaar ahaan dalalka diga-rogashada uga jira colaadaha.

Xildhibaan CC Warsame ayaa kulanka warbixin ka siiyay saamaynta taban ee uu is-beddelka cimilada Soomaaliya ku yeeshay iyo in ay lagama maarmaan tahay in mudnaanta koowaad la siiyo, maadaama Somalia tahay dalka labaad ay ku dhacayso saamaynta ba’an ee Is-beddelka cimilada.

Ugu dambeyn, Mudane Warsame ayaa dalbadsy in taageerada Soomaaliya la siinayo loo marsiiyo hay’adaha dowladda, shirkadaha ganacsiga iyo ururrada bulshada rayadka ah, lagana daayo gacmaha kale ee aan Soomaalida ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here