Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Safaarada Turkiga kulan kula qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb.Mehmet Yılmaz.
Duqa Muqdisho iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta howlaha shaqo ee ka dhaxeeyo labada dal iyo sidoo kale dar dargelinta adeegyada ay safaarada u qabato shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiye Cumar ayaa safiirka ugu tacsiyadeyay muwadiniintii u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay qarxii ka dhacay Ex Kontorol Afgooye.