Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir wadatashi ah oo ay ka qayb-galayaan madaxdii hore ee dalka u soo hoggaamiyay iyo siyaasiyiin, kaasoo Muqdisho la socon doona muddo laba maalmood ah.
Kulan weynahan waxa uu muhiim u yahay masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo gaaridda go’aannada wada ogolka ah ee ju saleysan siyaasadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noocan ah ee ka dhaca Soomaaliya, waxa uuna ku yimid dowladda oo doonayaa in wadatashi lala yeesho dhammaam ummadda Soomaaliyeed, si ay fikraddooda uga dhiibtaan hannaanka dowlad-dhiska dalka.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa uu salka ku hayaa sidii looga tashan lahaa; doorashooyinka, dagaalka dowladdu kula jirto Khawaarijta iyo sidii heshiis wada-ogol ah looga gaari lahaa sidii doorashada dalka ka dhacaysa ay noqon lahayd.














