Maamulka Gobolka Banaadir oo Qalinka ku duugay Heshiis lagu Horumarinayo Qaar ka mid ah Waddooyinka Caasimadda: SAWIRRO

0
37

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa daahfuray munaasabad lagu soo bandhigaye saxiixa heshiiska shirkadaha loo qaatay tartanka dhismaha qaar ka mid ah dayactirka iyo dib u dhiska waddooyinka Magaalada Muqdisho, kaas oo si rasmi ah u saxiixay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir.

Dhawaan ayaa tartan la xariira qandaraasyada dhismaha qaar ka mid waddooyinka Caasimadda loo qabtay 28-shirkadood, waxaana tartankaas kusoo baxay afar shirkadood oo kala ah 1-Kulmiye, 2-Docol, 3-Dhis, 4- Buruuj, waxaana goobta ay munasaabaddan ka dhacaysay goobjoog ka ahaa wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan DFS, ganacsato iyo qaybaha Bulshada.

Waddooyinka la dhiso doono ayaa ah kuwa muhiim u ah isku socodka iyo bilicda caasimadda waxayna kala yihiin, Keysaney, dhameystirka waddada Dayniile, waddada weyn ee degmada Kaxda, wadada Isbitaal Madiino, waddada Nasiib-buundo illaa madaxtooyada, waddooyinka xiriiriya Shangaani iyo Via Roma ee degmada Xamarweyne, dhismaha waddooyinkaas ayaa la rajeynaa in dhawaan shaqadooda billaabato.

Wasiirka Hawlaha Guud ee XFS, mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa bogaadiyay mashruuca Nagaad iyo fulintiisa oo wax weyn ka beddeli doono bilicda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bogaadiyay mashruuca Nagaad ee gobalka Banaadir kaasoo ah mashruuc qayb weyn ka qaatay horumarinta bilicda caasimadda, gaar ahaan dib u dhiska waddooyinka iyo kaabashayaasha dhaqaalaha, iyada oo ugu dambeyn gudoomiyuhu kula dardaarmay shirkadaha qansaraaska helay in si tayo leh u dhisaan waddooyinka.

Ugu dambeyn, Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in caasimadda dalka ay la jaan qaado magaalooyinka dhiggeeda ah ee horumaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here