Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadeed, doorashooyinka iyo dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
Waxuu ka warbixiyey sida ay uga go’an tahay dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimuqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.
“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021.”