Qaar kamida Masuuliyiinta G/Banadir Oo Kormeeray Dad Barakacayaal ah+Sawiro

0
11

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Xoghayaha Guud ee Maamulka Mudane Xiirey Axmed Rooble iyo Xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo kormeeray xero ay ku nool yihiin shacab kasoo barakacay Abaaraha iyo colaada ka jira Gobolada dalka kuwaasi oo ku nool duleedka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed ayaa ugu warbixiyay Guddiga Gurmadka Maamulka Gobolka Banaadir xaalada ay ku sugan yihiin shacabkaasi ku nool xerada ku taala duleedka Degmada Kaxda, iyadoona Mas’uuliyiinta Maamulka ee dul istaageen qoysaska ku jira xeradaasi si ay xaaladooda hoose u ogaadaan.

Kormeerka iyo xog aruurinta ee Guddiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ku gaareen Degmada Kaxda ayaa waxa uu daba socdaa kadib markii maalmo ka hor uu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu faray Mas’uuliyiinta qeybahooda kala gedisan ee Maamulka in gar-gaar deg deg ah loo fidiyo shacabka Abaaraha soo saameeyay ee soo maciin-biday Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa ugu baaqday Ganacsatada, Qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwooda eebe wax siiyay in ay ka qeybqaataan u gurmashada Walaalaha Abaaraha dalka ka jira ay soo saameeyeen ee soo gaaray Caasimada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here