Tahriibeyaal kor u dhaafa 100 ruux oo ku dhintay badda Mediterranean-ka

0
112

Inkabadn 100 qof oo tahriibeyaal ah ayaa ku dhinay badda Mediterranean, kadib markii ay degtay doon yar oo sidday 130-ruux sida ay xaqiiqiyay hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee loo yaqaano IOM.

Hay’adda IOM waxeey intaas ku draty in doonta oo ka sameysneyd caag ay ku degtay meel Woqooyi kaga began magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

Sidoo kale Hay’addu waxeey sheegtay in ay jiraan laba doonyood oo kale oo ku dhibaataysan hirarka badda oo gaaraya qiyaastii 6-mitir .

In ka badan 350 qof ayaa la sheegayaa in sanadkan ay ku dhinteen badda Mediterranean .

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee IOM ayaa baaq u dirtay dowladaha si ay dib ugu daabulaan maraakiibta baadigoobka iyo badbaadinta badda Mediterranean-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here