Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo la dhaariyay+SAWIRO

0
377

Waxaan maanta la dhaariyey 16-kii Xildhibaan ee laga soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubbaland. Waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha KM ee Golaha Shacabka Mudane Amb. Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee BFS Mudane Cabdikariim Cabdi Buux. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa  Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Waxaan dhammaan ugu hambalyeynaynaa masuuliyadda loo soo doortay. Waxaana ka rajeynaynaa inay qayb lixaad leh ka qaataan samata-bixinta waddankeenna iyo ka saarista xaaladdan hubanti la’aanta ah.

Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here