Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay waddada dhaxmarta degmada Deyniile, gaar ahaan Waaxda Oodweyne oo dhismaheeda ay iska kaa shanaayan dadka deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyada oo dhagax-dhigan uu goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Maamulka degmada Deyniile iyo qaybaha bulshada rayidka.
Guddoomiyaha Deyniile, Cabdishakuur Abuukar Rooble ayaa tilmaamay in dhismaha waddadan ay muhiim u tahay isku socodka degmada, isla markaana ay baahi weyn u qabaan bulshada reer Oodweyne.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) waxa uu sheegay in dhismaha waddada Oodweyne ay iska kaa shanaayaan bulshada degmada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana qayb ka noqon doonto hawlaha isku tashiga ah ee lagu dhisaayo waddooyinka Caasimadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in shirkad kasta oo ka shaqeysa dhismaha waddooyinka lagula xisaabtami doona tayada dhismaha, isla markaana aan la dhisi karin waddo uusan ogeyn maamulka Gobolka Bananadir.











































