Muqdisho:(Codka Caasimaadda) Munaasabad lagu maamuusay maalinta la dagaallanka cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ee sanadkasta lagu xuso 1-da bisha December ayaa lagu qabtay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaha ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka G/banaadir, Dhaqaatiir, ururrada bulshada iyo dad lanool cudurka HIV/AIDS.
Ka-qaybgaleyaasha ayaa soo jeediyay talooyin la xiriira sidii wadajir loogula dagaallami lahaa cudurka, loona caawin lahaa dadka lanool.aan la takoorin.
Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Fowzia Nuur Iikar ayaa sheegtay inay wasaaraddu waddo qorshe lagula dagaallamayo cudurka iyo takooridda dadka uu ku dhacay.
Guddoomiyaha gudiga ka hortaga xanuunka HIV/AIDS ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay iney taageero ka doonayaan dowladda dhexe, ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda, si loo daryeelo dadka la nool xanuunka HIV/AIDS.
1-da bidha December ayaa loo asteeyay maalinta caalamiga ee la dagaallanka cudurka HIV/AIDS.














