Arsenal oo Guul-dardo weyn huwisay dhiggeeda Barcelona kaddib cayaar ka dhacday Mareykanka: SAWIRRO

0
379

KooxdaArsenal ayaa guul weyn ka gaartay dhiggeeda Barcelona, kulan xiiso badnaa oo 5-3 ay ku adkaatay Gunners, waxa uuna kulan ka mid ahaa kuwa saaxiibtinimo ee kooxda Arsenal ay kula cayaarayso dalkaas qaar ka mid ah kooxaha caanka ah.

Laacibka Barcelona ee Eze Abde ayaa ka dhaliyay Arsenal goolkii ugu horreeyay, kaasoo abuuray shaki weyn, Bukayo Saka ayaa daqiiqadii 13-aad gool caaqibo leh u dhaliyay Araenal, isagoo cayaarta ka dhigauy barbarro.

Daqiiqadii 21-aad ee kulanka ayaa rigoore loo dhigay Arsenal, balse Bukayo Saka oo loo doortay inuu dhaliyo ayaa khasaariyay, waxaana taasi ay niyadjab ku keentay kooxda iyo taageerayaasheeda.

Kooxda Barceloan ayaa 2-1 ka dhigtay kulanka, Raphinha ayaana meel aan ka fogeyn goosha ka toogtay shabaqa kooxda Arsenal, balse Kai Havertz ayaa daqiiqadii 43-aad goolka barbardhaca u keenay Arsenal, waxaana goolkaas si weyn u caawiyay Bukayo Saka.

Sidoo kale, kooxda Arsenal ayaa 3-2 ka dhigtay cayaarta, kafdib markii Gabriel Jesus kubbad uu soo laaday goolhayaha kooxda daba mariyay, Mar kale Trossard ayaa natiijada 4-2 ka dhigay, Bukayo Saka ayaa garabka bidix kubadda ugu furay Tierney oo kubadda uu goolka hor dhigay uu ku leexiyay Trossard.

Dhanka kale, Ferran Torres ayaa hal gool u soo celiyay Barcelona daqiiqadii 88-aad, kubbad loogu furay geeska midig ee goolka Arsenal ayuu dhinac hoose ka dhigay goolhaye Ramsdale.

Ugu dambeyn, Daqiiqad kaddib waxa 5-3 ka dhigay cayaarta Fabio Vieira oo meel xerada ganaaxa goolka Barcelona ka baxsan laag gantaal aad u quxroon ka dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here