Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud oo Xarigga ka jaray Xafiiska Nidaamka Dhismaha Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
267

Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta xarigga ka jaray xafiiska nidaaminta dhismaha ee gobolka Banaadir, kaasoo loogu talagalay inay iska diiwaan-geliyaan Injineerrada iyo farsamo yaqaannada ka shaqeeysa dhismaha, si loo nidaamiyo dhismayaasha laga hirgelinaayo magaalada Muqdisho.

Xafiisyadan ayaa laga hirgeliyay degmooyinka Wadajir, Waaberi iyo Shangaani. Waxa uuna guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka Juun, 2024-ka, aan la aqbali doonin injeerro ruqsad aan ka haysan maamulka gobolka Banaadir oo fuliya dhismooyin, ciddii ku xad-gudubtana lala xisaabtami doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here