Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku amray gaadiidka dadweynaha sida; Mooto Bajaaj-ta iyo basaska inaysan qaadi karin askari hubeysan nooc walba oo uu yahay. Waxaana la sheegay in Amarkan uu yahay mid lagu ilaalinayo hantida iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Gaadiidka mas’uuliyiinta DFS iyo kuwa shacabka ayaa lagu amray inay ogolaadaan in baaritaanno lagu sameeyo gaadiidkooda, marka ay marayaan baraha koontaroollada, si loo hubiyo gaadiidkooda, iyadoo la sheegay inaan la aqbali doonin in hubin la’aan ay gaadiidku iska maraan baraha koontaroollada.
Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho ku nool ayaa laga dalbaday inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, iskaashiga iyo wax wadaqabaiga waa tan keenta guul walba oo la gaaro.













