Hanaanka maamulka iyo maaliyadda D/ hoose ee Xamar oo dib u habeyn casri ah lagu sameeyay

0
448

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caanaboore) ayaa shir gudoomiyay kulan lagu soo bandhigayay dib u habeyn casri ah oo lagu sameeyay hanaanka Maamulka iyo Maaliyadda dowladda hoose.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dib u habeynta iyo howlgalinta nidaamka casriga ah ay ku shaqeyn doonto dowladda hoose, waxaan hirgelinta mashruucaas dwladda hoose uga mas’uul ah xafiiska Ku xigeenka Duqa ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda .

Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana Boore) ayaa aad u bogaadiyay hanaanka casriga ah ee la soo diyaariyay iyo habraacyada maaliyadeed uu ku shaqeyn doono xafiiska, isaga oo xusay inuu waxbadan ka tari doono daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Mr. Caanaboro ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo hitgelinyo nidaamka oo uu sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay dowladda hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here