Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Somalia, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha xujeyda Soomaaliyeed ee Acmaasha xajka soo dhameeysatay iyo adeegyadii ay dowladda u qabatay xujeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka xadka.
Wasiirka ayaa sheegay inay dhinteen afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay, sidoo kale waxa u sheegay in la waayay saddex xaaji oo baadi goob loogu jiro, xujeydii hawlaha caafimaad u baahnaa oo gaarayay 60-xaaji ayuu wasiirku sheegay in daaweyntooda ay wasaaradda kala kaashatay dowladda Sucuudiga hadana ay caafimaad qabaan.
Ugu dambeyn, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa amray in si degdeg ah dalka loogu soo celiyo xujeeyda Soomaaliyeed ee dhameystay acmaasha Xajka, waxa uuna u mahadceliyay Madaxweynaha Somalia, Mudane Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Xamse, mudnaanta ay sanadkan siiyeen arrimaha xujeyda Soomaaliyeed.













