GUDDOOMIYE YABOOH: Bajaajleyda waxaan ku heshiinnay inaan si dhaw u wada shaqeynno: MUUQAAL

0
346

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay kulan dhexmaray guddiga gaadiidka Bajaajta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in cabashadooda waz laga qabto, iyaguna ay ilaaliyaan badqabka amniga guud ee caasimadda iyo dadka ku nool.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha qaybta booliiska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, Agaasimaha gaadiika Gobolka Banaadir iyo xubno ka sicday iskaashatada gaadiidka loo yaqaan Bajaajta.

“Qodobbadii aan ku heshiinnay waxaa ka mid ah; In cabashooyinka Bajaajleyda wax laga qabto oo ciddii dhibaato ku haysa haddii uu ahaan lahaa Askari ama qof shacab ah. Iyagana waxaa laga doonayaa inay ilaaliyaan in sida loo marayo waddooyinka ay ilaaliyaan, wixii khatar ah oo ay arkaanna ay lasoo wadaagaan guddiga u xilsaaran fulinta heshiiska” ayuu yiri Yabooh oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in wadayaasha Bajaajta sababta loola kulmay ay tahay inaysan kusoo dhex-dhuuman Khawaarijta oo haddii ay arkaan buuq taagan dadka isku soo ekeysiiya kana faa’iideysta.

“Bajaajleyda waxa aan ku heshiinnay in aan si dhaw u wada shaqeyno, si aanay Khawaarijtu fursad nooga helin” ayuu hadalkiisa ku yiri Guddoomiye Yabooh.

Ugu dambeyn, Gussoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la xiray cid walba oo ku lug lahayd dilal loo geystay Bajaajleyda lana horkeeni doono sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here