Hantidhawraha Guud oo kulan xog-is-dhaaafsi ah la qaatay Mas’uuliyiin ka socday Xafiisyada ugu sarreeya Hay’adaha DFS: SAWIRRO

0
208

Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan la yeeshay maamulka sare ee xafiisyada madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka JFS.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista xafiiska Hantidhawrka Guud, ee Qaranka, warbixinnadii dhawaan lala wadaagay hay’adahaas iyo sidii loo dar-dargalin lahaa dhaqan-gelinta talooyinka uu xafiisku bixiyay.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa la isula meel-dhigay sidii loo sii xoojin lahaa isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maareynta maaliyadda dalka, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’adaha iyo dowlad wanaagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here