DUQA CAASIMADDA: Ma jirto cid sheegan karta milkiyadda Qubuuraha Macallin Nuur ama dhisan karta: SAWIRRO

0
335

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macallin Nuur ee deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah bulshada Caasimadda.

Mudane Yuusuf Madaale oo ay wehliyeen agaasimaha waaxda dhulka, agaasimaha xafiiska duqa, afhayeenka G/Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley, ayaa waxa uu halkaas kula hadlay bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii dambe baraha bulshada la isla dhex maraayay oo ahaa in qubuurahaas la dhisanayo, isla markaana laga bixinayo maydadkii ku aaanaa.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macallin Nuur ay muddo dheer jireen lana ogolaan karin in xilligan ay dad sheegtaan, ayna wixii qubuuro ah mas’uul kq tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda ayaa amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, wuxuuna maamulka deegaanka Garasbaaley iyo agaasinka waaxda dhulka Dowladda Hoose ee Xamar fatay naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macallin Nuur, si aysan uga dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here