Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socday Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maalmahaan Muqdisho u joogay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.
Munaasabaddan ayaa xalay ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana hadallo kala duwan ka jeediyay Duqa Muqdisho iyo qaar ka mid ah xubnihii ka socday EAC.













