ARTETA: Cayaartoy xifad ahaan aad u Wanaagsan ayaan sanadkaan lasoo Wareegnay: SAWIRRO

0
442

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal FC, Mikel Arteta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in koox ahaan ay si weyn uga faa’iideen suuqa lagu kala iibsado cayaartoyda, ayna rajo ka qabaan inay ku soo kordhiyaan kooxdq cayaartoy kale.

Arsenal ayaa Declan Rice kaga soo iibsatay West Ham United 105 milyan ginni ($137.27 milyan) Sabtidii. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa ahaa saxiixii seddexaad ee kooxda, iyadoo ay ka horreeyeen; Kai Havertz iyo Jurrien Timber.

“Saxiix kasta oo aan sameynay waxa uu kooxda u keenayaa horumar weyn,” ayuu Mikel Arteta u sheegay suxufiyiinta uu kula hadlay magaalada Washington oo ay kulan saaxiibnimo kula cayaarayaan berri oo Arbaco ah ah kooxda Major League Soccer (MLS) All-Stars.

“Aad baan ugu faraxsanahay sida aad qiyaasi karto inaan la soo wareegnay ciyaartoydii aan rabnay, waqti hore ayaan lasoo saxiixannay, waxayna billaabeen inay si degdeg ah ula qabsadaan kooxda, waxa aan haysannaa hadda waqti aan isku diyaarinno, ayna cayaartoydu ku helayaan fursad fiican oo ay xirfadahooda gaarka ah ku muujin lahaayeen,” ayuu haralkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay haddii ay jiri karaan saxiixyo badan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Sebtember 1-deeda ayuu wuxuu yiri: “Aan aragno, waxaa jira waqti badan oo weli suuqu uu sii furnaanayo, waxaana ka rajeynaynaa in ay nooga soo baxaan wax badan oo faa’iido noo ah.”

Ugu dambeyn, Arteta ayaa sheegay inay kooxdiisu sannadkaan suuqa gelisay lacagihii ugu badnaa ayna ka heleen cayaartoy aad loo jecel yahay xifadahooda kubbadeed, kuwo kalena ay filayaan inay lasoo wareegaan inta uusan suuqu xirmin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here