Wasiirka Gaashaandhiga oo u hambalyay milatariga ka dib qabashadii Bariire.

0
190

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika, kaas oo lagu qabsaday deegaanka Bariire. Wasiirku waxa uu bogaadiyay guusha laga gaaray howlgalkaas.

Danjire Axmed Fiqi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa dalka oo dhan laga xoreeyo, isagoo xusay in ciidamada ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda culus.

Wasiirka ayaa ammaanay iskaashiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, isagoo tilmaamay in uu horseedayo natiijooyin muuqda. Wasiirka ayaa caddeeyay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay si buuxda u garab taagan tahay howlgalka socda.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika, gaar ahaan qaybaha ka socda dalka Uganda, ayaa howlgal culus ka wada deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here