Waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka Magaalada Muqdisho oo fulineysa Amarkii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ahaa In la soo celiyo bilicdii ay Magaladani laheyd ayaa Howlo dayactir iyo Qurxin ah ka sameeyey goobaha Taariikhigabah ee ku yaala Magalada Muqdisho.
Waxaa howshan hor kaceysey Agaasimaha Waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka dowladaha Hoose Marwo Kheyrto Aweys Shariif, waxaana intii ay howshan ku jireen soo booqday Gudiga Qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda.
Goobaha ilaa hadda laga sameeyey dib u habeynta waxaa ka mid ah Taalada dhagaxtuur, Tiyaatarka Qaranka iyo qaar ka mid ah laamiyada Magaalada Muqdisho.
Arintan ayaa lagu weyneynayaa Todobaadka Maalmaha Xoriyadda Soomaaliya oo aynu ku jiro.














