Madaxweynaha JFS oo Faahfaahin ka bixiyay halka ay marayaan hawl-galada Khawaarijta looga Xoreynayo Dalka

0
249

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaanyo oo ah caasimadda dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta, madaxweynaha ayaa sheegay in hawl-gallada looga sifaynayo dalka Khawaarijta laga gaaray guul fiican dhammaana badi laga xorreeyay deegaannadii ay shacabka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay halka ay marayaan hawlaha dhameystirka dastuurka oo doodiisu hadda ka socoto golaha baarlamaanka Jamhuuriyayadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu madaxweynaha dalku xusay in dhamaystirka dastuurku muhiimad weyn ugu fadhiyo xuquuq helida shacabka Soomaaliyeed iyo hannaanka dowlad-dhiska.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu faahfaahin ka bixiyay safar uu ku tegi doono magaalada Addis ababa ee waddanka Itoobiya halkaas oo uu ay ka dhacayaan shirar kala duwan sida; shirka Midowga Afrika, shirka ururka IGAD iyo shirka dallada bulshada Bariga Afrika.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dhammaan shirarkan muhiim u yihiin Somalia uu ka jeedin doono farriinta dowladda Somalia ee ku wajahan damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ku hayso madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here