WASIIRKA DIFAACA: Ciddii Af ama Addin ugu gargaarta Khawaarijta waxa ay noola mid yihiin Khawaarijta: SAWIRRO + MUUQAAL

0
291

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Qaranka ee Danab oo tababar ku qaadanayay dugsiga ciidamada ee Balli-doogle Khamiistii shalay.

Wasiir Jaamac oo la hadlat ciidamada ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray ugu baaqay inaysan niyaddooda saameyn ku yeelan, kuwa uu ku tilmaamay damiir laawayaal afka ugu adeega Khawaarijta.

” Cid walba oo Af ama Addin ugu adeegta Khawaarijta waxba nooma dhaamaan iyaga, waana kuwo aanu ku jirin damiir Soomaalinimo, weliba iyaga oo aan wax yar oo xishood ahi ku jirin ayay idaacadaha la taagan yihiin taageerada Khawaarijta. Kuwaas yaysan saameyn idinku yeelan,” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in ciidanka tababarka dhammeystay loogu talagalay in ay qayb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kaas oo lagu waddo inuu dalka ka billowdo, isagoo u mahadceliyay dhallinyarada u dhabar adeegtay tababarka kuna ammaanay dadaalka ay bixiyeen.

”Runtii qiimo ayay leedahay inaan Maanta isugu nimid xaflad qalin-jabin guutada 9-aaadee Danab, tababarka ugu dhamaaday halkan Balli-doogle, dugsiga magaciisa aadka u qiimo badan yabay oo loogu magacdaray walaalkeen AUN Xasan Tuure, aad baan ugu faraxsan nahay inaan ka soo qayb-galno,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Ugu dambeyn, Tababarkan loosoo xiray ciidamada ka tirsan Danab ayaa waxa uu ku soo beegmayaa, iyadoo Dowladdu ay isku diyaarinayso dagaal ka dhan ah Khawaarijta kaasoo abaabulkiisa uu ka socdo gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here