5 Carruur ah oo ka soo jeedo hal qeys ah ayaa mar qura ku dhintay madfac la sheegay inuu ahaa hoobiye haboow oo ku soo dhacay gurigoooda oo ku yaalla degmada Beledxaayo ee gobolka Gedo.
Cabdiwali Turmaag Maxamed oo ah aabaha dhalay caruurtaan uu madfaca laayay ayaa la sheegay inuu ka badbaaday , balse ay xaaladd adag soo wajahday markii ay caruurtiisa ku le’deen hoobiye ku soo dhacay hoygooda.
Xalay ilaa saaka dagaalo culus oo u dhexeeyo ciidamo uu wato ninka Baxsadka ah ee C/tashiid Janaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Xaalada degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa kacsan, waxaana dagaalka guulo ka kala sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland












