War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii madaxda dalalka deriska ee Muqdisho lagu qabtay: MUUQAAL

0
331

Shirkii madaxda dalalka safka hore oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed loo dhan yahay.

War-murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay inay madaxda ay isla garteen in la iska kaashado dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, madaxdu waxa ay si wadajir ah u bogaadiyey guulaha ciidanka Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgaladii lagu xoreeyay deegaanno badan, kuwaasoo argagixisadu ay kasoo maleegi jireen falalka gurracan iyo amni-darrada heer dal iyo heer gobol.

Madaxda dalalka safka hore waxaa kale oo ay isku raaceen in la sameeyo howlgallo wadajir ah oo lagu qaadayo goobaha ay ku harsan yihiin argagixisada si Soomaaliya oo dhan looga xoreeyo, loona fududeeyo dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa lagu heshiiyay in si wadajir ah loo abaabulo olole hawlgal oo xooggan oo dalalka safka hore ah, kaasoo lagu baadi-goobayo laguna burburinayo Khawaarijta, howlgalkaas oo jihooyin badan ah, laguna beegsanayo meelaha muhiimka ah ee Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in madaxa ay qireen codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ah inay hesho ballan-qaadka iyo taageerada dalalka deriska ah ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ugala qayb qaataan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka guuleysashada iyo burburinta argagixisada.

Waxay madaxdu soo dhaweeyeen codsiga dawladda Soomaaliya ee ah in la helo taageero lagu qalabeeyo cutubyada cusub ee ciidamma xoogga dalka, lagana taageero hubka ay ku hawlgalayaan.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa dhanka kale waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka inay taageeraan dadaallada xasilinta goobaha laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah, si loogu fududeeyo dowladda federaalka Soomaaliya inay gaarsiiso adeeggeeda aas-aasiga ah dalka oo dhan iyo in ay awooddeeda fidiso.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn uga mahad-celiyey madaxda dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyay, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

Shirka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay Dowladda Soomaaliya marti-geliso, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo la sii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada banneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here