Daafaca reer Faransa ee Axel Disasi ayaa dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Chelsea, isagoo isagoo kasoo tagay kooxda Monaco ee dalka Faransiiska.
25-sano jirkan ayay labo sanno uga hartay qandaraaskiisa kooxda Monoco, laakiinse wuxuu doortay inuu ka tago Monegasques si uu ugu biiro kooxda heerka koowaad ee Ingiriiska ee uu Mauricio Pochettino tababaro.
Imaanshaha laacibkan ayaa Kooxda Blues ka caawinaysa inaysan dareemin Wesley Fofana oo kooxda dhaawac uga maqnaan doona inta ka hartay xilli cayaareedkan 2023-2024.
Axel Disasi ayaa Monaco kaga soo biiray Reims bishii Agoosto ee sanadlii 2020, waxaana wacdarihiisii Stade Louis II uu sababay inuu ka mid noqdo xulka France ee Koobka Adduunka 2022-ka.
Daafaca dhexe ee garabka midig ayaa seddex kulan ka soo muuqday Qatar oo uu ku jiro mid ka soo baxay kursiga keydka kulankii ugu dambeeyay ee guul-darrada ka soo gaartay Argentina, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Faransiis ah oo saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka tan iyo 1966-kii.
Ugu dambeyn, Disasi ayaa ka garab ciyaari doona laacib caan ah oo ka tirsan Bules, kaadoo kooxda ka dhisan Galbeedka London kaga soo biiray Monaco bishii Janaayo ee la soo dhaafay.