Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb-galay kulan wadatashi iyo wacyigelin bulsho ah oo caawa lagu qabtay xarunta degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan, waxaa goobjoog ka ahaa wasiir u dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Cabdikariin Cabdow Xaydar, xildhibaan C/raxmaan Cagaweyne, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Feysal Carraale, Guddoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal, odayaasha, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Shibis.
Guddoomiyaha Degmada Shibis, Mudane Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horreyn madaxda halkaas kusoo dhaweeyay, isaga oo sheegay in bulshada Shibis ay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada horumarka, dib-u-dhiska iyo bilic soo celinta Muqdisho, sidoo kale la dagaalanka maandooriyaha iyo garan-waaga.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo bulshada degmada Shibis la hadlay ayaa ku boorriyay dib-u-dhiska degmada, bilicda, sugidda amniga, la-dagaallanka maandooriyaha iyo in laga qayb-qaato dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo uu hormuudka u yahay Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyn, Waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo bulshada Degmadaas ku booriyay in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.












































































