SAWIRRO: Dowladda Hoose ee Xamar oo billowday tallaabooyin loogu diyaar-garoobayo Toddobaadka Xorriyadda

0
282

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Magaalada Muqdisho kawadda u diyaar-garowga Todobaadka Xorriyada Soomaaliya ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Agaasime ku-xigeenka Waaxda Howlaha Farsamada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Bashiir Shuumbe Shuute iyo howl-wadeenno ka tirsan Waaxda ayaa maanta shaqooyin ka qabtay qaybo ka mid ah waddooyinka waaweyn ee dhex-mara Degmooyinka, Waaberi, Howlwadaag, Xamarweyne, Shangaani iyo Boondheere.

Ugu dambeyn, Waaxda waxa ay shaqooyin ka qabatay goobaha taariikhiga ah sida; Taallooyinka ku yaala Caasimadda, iyadoo bulshada loogu baaqay in ay ka qayb-qaataan dabaal-dagyada toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here