Magaalada Muqdisho oo laga Daah-furay Bandhigga Warshadaha Yar-yar ee Gobolka Banaadir ee Ileys: SAWIRRO

0
218

Magaalada Muqdisho, waxaa laga daah-furay maanta Bandhigga 1-aad ee Iskaasharada Warshadaha yar-yar ee Gobolka Banaadir ee ILEYS oo ka dhacay xarunta dhallinayara Gobalka Banaadir.

Daahfurka munaasabadda waxaa ka goob-joog ka ahaa; Guddoomiye ku xigeennada maamulka Gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay; Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada, Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud iyo Xoghayaha Guud ee Gobalka Banaadir, xildhibaanno, agaasimaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Xirfadaha iyo Gudomiyaha dhallinyarada Gobalka Banaadir.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobalka Banaadir waxa uu ahmiyad gaar ah siinayaa dhiirri-gelinta wax-soo-saarka dalka, sida ay goobta ka sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hadallada kala duwan jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here