SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Tallaalka Dowladda Hoose ee Xamar

0
578

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 30-sano kaddib maanta daahfuray xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar ee Degmada Cabdicasiis.

Xaruntan oo muddo ku dhow 30-sano burbur-sanayd isla markaana aanan helin wax dayactir ah ayaa hirgalinteeda muhiim u ahayd horumarinta tayada tallaalka, iyadoo xaruntan loo dhameystiray agabyadii lagu keedin lahaa talaalka loogu adeegi doono bulshada Caasimadda.

Ugu dambayn, Aggaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamud ayaa tilmaamay in agaasinka caafimaadka uu baahi weyn u qabay hirgalinta iyo qalabeynta xarunta keydka tallaalka Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here