Xarunta maamulka degmada Hodan waxaa xalay ka qabsoomay shirka amniga degmooyinka Waliyow Cadde oo ay kasoo qayb galeen Guddoomiye-kuxigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir mdane maxamed Axmed Diiriye yabooh , Guddoomiye-yaasha degmooyinka , kuxiggeennada, taliyayaasha qeybta Booliiska iyo Nabadsugidda Waliyow Cadde, taliyayaasha booliska degmooyinka iyo taliyayaasha nabad sugiga degmooyinka Waliyow Cadde.
Waxa shir guddoominayey Guddoomiye-kuxigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir mdane maxamed Axmed Diiriye yabooh, waxaana looga hadlay sidii loo adkayn lahaa la iskana kaashan lahaa amniga guud ee Gobolka Benaadir, gaar ahaan degmooyinka uu ka kooban yahay Waliyow Cadde waxaana la isla qaatay sidii loo adkayn lahaa amniga guud iyo sidii looga hortagi lahaa wax allaale iyo wixii liddi ku ah amniga degmooyinka Waliyoow Cadde.
Waxaa kale oo looga hadlay intuu socday shirkaan sidii la iskaga kaashan lahaa mashaariicda horumarineed sida; nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada iyo dhisidda waddooyinka.
Degmooyinka Waliyoow Cadde ayaa ah caloosha magaalada muqdisho waxayna muhiim utahay amniga degmooyinka kale ee gobolka Benadir.













