Shaqaalaha Idaacadda Codka Caasimadda ee Dowlladda Hoose ayaa maamlintii 2aad tababar ku saabsay badqabka Suxufiga waxaa uga socdaa Hotelka Jazeera ee magaalad Muqdisho.
Tababar oo socon doono mudo Afar Maalin ah ayaa waxaa loo qabray Howwadeenada Idaacadda Codka Caasimadda iyo Warbaahinta Qaranka, waxaana iska kaashaday Xafiiska Agaasimaha Guud Warfaafinta gobolka Banaadir iyo Hay’adaha IMS-FOJO.
Agaasimaha Guud Warfaafinta gobolka Banaadir Cabdulaahi Xasan Maxamed (Wiish) ayaa sheegay in tababarkaan looga goleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda wariyaasha ka howlgala warbaahinta dowladda .
Agaasime Wiish ayaa xusay in mudadad uu socdo tababarka wariyaasha la siin doonaa cashiro u badan baraatiko ah oo ku saabsan sida uu wariyaha isku badbaadin karo marka uu war ka soo tabinaayo goobaha ay ka jiraan xasradaha.














