Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Mahamuud Guure ayaa soo xiray tababar loo qabtay qaar ka mid ah ardayda dhigata Jaamacadaha ku yaalla Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir.
Tababarkan oo ku saabsanaa aqoon la xiriirta dacwadaha madaniga ah iyo awoodda maxkamadda heerka koowaad (Degmada iyo Gobolka), ayaa waxa uu qayb ka ahaa aqoon-kororsi bishiiba har mar lagu qabto xarunta dhallinyarada ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu dhallinyaradii tababarka u dhamaaday u sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu rabo in dhallinyarada iyo hoggaanka sare ee Gobolka Banaadir ay isku xirnaadaan, xarunta dhallinyaradana ay noqoto buundadii isku xiraysay labada dhinac.
Ugu dambeyn, ku-simaha Duqa Muqdisho Mudane Ciise Guure waxa uu bogaadiyay dadaalka iyo waxqabadka guddoomiyaha dhallinyarada, sidoo kale waxa uu kula dardaarmay dhallinyarada qaadanaysay aqoon-kororsiga in ay tusaale (Role model) u noqdaan dhallinyarada ku nool magaalo-madaxda Qaranka Soomaaliyeed maadaama ay fursad u heleen in ay wax bartaan.














