Guddoomiyaha Degmada Hodan oo kormeeray dhismaha Laamiga Taleex oo heer gabogabo ah maraya: SAWIRRO

0
374

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee maamulka Gobolka Banaadir, Cali Axmed Faarax ayaa maanta kormeer ku sameeyay dhismaha Laamiga Taleex ee degmadaas oo heer gabo-gabo ah maraya.

Guddoomiye Cali Fahle ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyay dhismaha laamigan oo aan wax laga qaban tan iyo burburkii dowladdii hore ee Soomaliya, balse uu dhismihiisa haatan marayo heerkii ugu dambeeyay.

“Shacabka Degmada Hodan, gaar ahaan kuwa ku nool xaafadaha ku dhaw laamigan waxaan ku wargelinaynaa in laamigan uu yahay hanti ay leeyihiin, loogana baahan yahay inay ilaashadaan,” ayuu yiri Mudane Cali Fahle.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Shirkadda wadda dhismaha waddadan laamiga ah ayuu uga mahadceliyay hawsha ay hayaan, waxa uuna ugu baaqay inay dadajiyaan dhismaha laamiga, uuna noqdo mid tayo leh oo aan gadaal cillad ka keenin, iyadoo lagula xisaabtami doono dhismaha laamigan.

Ugu dambeyn, Waddadadan ayaa waxaa ku socda saarista laamiga, waxaana waddadan dhismaheeda soo dhaweeyay shacabka ku nool waaxda Oktoobar ee degmada Hodan oo uu laamigan ku yaallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here