Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada XFS ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, waxa ay waqti kula qaateen boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgalay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Ku-simaha Duqa Muqdisho, Mudane Yabooh ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay shaqooyinka laga qabtay degmada Daarusalaam, sida; isku xirka dadweynaha, sugidda amniga iyo sida loogu diyaariyay shacabka Muqdisho inay u soo damaashaad tagaan beerta dalxiiska Daarusalaam. Waxa uuna guddoomiyuhu ku amaanay qabashada hawshan ballaaran naamulka degmada oo kaashanaya ciidamada amniga iyo shacabka degmada.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam oo uu sabab u yahay hormuudka maamulka gobolka Banaadir, isagoo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, laagalana shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maal-gashi.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ugu dambeyn, kormeerka ayaa kusoo gaba-gaboobay si nabadgalyo ah, waxaana booqashadan soo dhaweeyay shacabka ku nool degmada Daarusalaam oo ka mid ah degmooyinkii dhawaan lagu dhawaaqay.













































