Cristiano Ronaldo u horseeday Al-Nassr in ay markiisii ugu horreysay abid ay ku guuleysato koobka kooxaha Carabta (Arab Champion), kaddib markii uu labo gool ka dhaliyay ciyaar ay 2-1 uga badiyeen Al-Hilal oo ka mid ah kooxaha Sucuudiga.
Ronaldo ayaa ku guuldareystay inuu qaado koob xilli ciyaareedkii hore kaddib markii uu ku biiray Al-Nassr oo kaalinta labaad ee horyaalka Sucuudiga, laakiin 38-jirkan ayaa dhaliyay lix gool tartanka isagoo noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya horyaalka.
Tartankan oo ay wada ciyaaraan kooxaha Carabta ugu sarreeya, ayaa waxaa ka qayb-galay; kooxaha Sacuudiga, Qatar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Ciraaq, Marocco, Tunisia iyo Algeria.
Xiddigaha kooxda Al-Nassr ayaa qaybtii hore ee cayaarta helay fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen, balse goolhaye Mohammed Alowais ayaa ka badbaadiyay shabaqa kooxdiisa kubbado kala duwan oo ay soo laadeen laacibiinta kala ah; Sadio Mane, Seko Fofana iyo Marcelo Brozovic oo dhawaan ku biiray kooxda Al-Nasrr.
Ciyaarta oo Sabtidii ka dhacday garoonka King Fahad ayaan wax goolal ah lagu kala dhalin qaybtii hore ee cayaarta, balse lix daqiiqo markii ay socotay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa kooxda Al-Hilaal u suura-gashay inay hoggaanka cayaarta la wareegaan, waxaana goolka u dhaliyay u laacibka reer Brazil ee Michael.
Daqiiqadii 74-aad ayaa Ronaldo waxa uu helay kubbad uu kasoo laaday dhanka midig Sultan Al-Ghannam ka dhaliyay goolhayaha Al-Hilaal, balse uma suuraglin in uu gool ka badan dhaliyo, cayaartuna waxay xilliggii loogu talo-galay kusoo dhammaatay barbarro 1-1 ah.
Difaaca Al-Nassr – Abdulelah Al-Amri ayaa ciyaarta laga saaray qeybtii labaad, kaddib markii uu la murmay garsooeaha, waxaana lagu beddelay Nawaf Boushal oo kursiga keydka ku jiray, waxaana cayaarta lagu daray waqti dheeraad ah.
Ronaldo ayaa laba gool u dhaliyay qeybtii hore ee waqtigii dheeriga ah ee lagu daray ciyaarta, kadib markii uu kubad karoos ah kasoo qaaday birta, waxa uuna ku dhaliyay madax.
Ugu dambeyn, waxaa jiray walaac, markii Ronaldo garoonka looga saaray dhaawac muuqda kaddib markii ay isku dhaceen cayaaryahan kale qaybtii 2-aad ee waqtiga dheeriga ah.