Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay shir cilmiyeed lagu soo bandhigay Cilmibaaris: SAWIRRO

0
97

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shir cilmiyeedkii 1-aad ee bandhigga cilmibaarista ururka macallimiinta Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay afar cilmibaaris oo muhiim ah, kuwaasoo ku saabsan xaaladda macallimiinta Soomaaliyeed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayadooda.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay dadaallada la xiriira kor u qaadista tayada iyo xirfadaha macallimiinta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay aqoonyahanka soo baxaya in ahmiyad gaar ah ay siiyaan maaddooyinka la xiriira macallimnimada.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here