Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hawlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa ciidamada xoogga dalka u jiheeyay shaqadoodii Qaran, waxaana iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshahu yahay cirib tirka argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa xarunta laga hawl-gelinayo ciidamada xoogga ee ku taalla Galmudug kula kulmay saraakiisha ka mid ah kuwa hoggaaminaya ciidamada, waxa uuna ku boorriyay in hawlgalka wajigiisa 2-aad loo diyaar-garoobo, wajiga 1-aadna la soo gunaanado.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia musane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arkay khariidadda hawlgelinta CXDS, kuwaasoo maalmahan hawlgalladii ugu waaweynaa ka waday qaybo ka mid ah dowlad-goboleedka Galmudug, si kooxaha argagaxisada ah looga saaro deegaannada ay weli ku augan yihiin.

















