SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo gudoomiyay kulan looga hadlay sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha

0
596

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlay dardar-gelinta shaqooyinka xafiiska unugga xalka waara (DSU) oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, agaasimeyaal iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir

Agaasimaha xafiiska unugga xalka waara ee maamulka Gobolka Banaadir (DSU), Zainad Axmed oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay dardar-gelin doonaan shaqooyinka xafiiska iyo ka dhabeynta qorshaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ah sidii xal-waara loogu heli lahaa barakacayaasha ku nool Muqdisho.

Agaasime Zainab Axmed ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii barakacayaasha u heli lahaayeen waxbarashada farsamada gacanta, caafimaad, shaqo-abuur, dib-u-dejin iyo in ay amni ku helaan goobaha ay dagan yihiin.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay in la helo isku filnaashiyo ay gaaraan Barakacayaasha, ayna noqdaan muwaadiniin ku nool dalkooda, taasina lagu gaari karo in laga taageero, waxbarashada, shaqo abuur loo sameeyo iyo in la taageero inta jecel inay dib ugu laabtaan deegaannadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here