Dowladda Hoose ee Xamar ayaa heshiis la gaartay shirkadda IFI iyo shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaasoo ku aaddan billaabidda mashruuc koronto looga dhalinayo qashinka Caasimadda, si loo helo xoog koronto tayo leh, qashinkana looga nadiifiyo Caasimadda.
Heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday; wasaarada tamara iyo kheyradka biyaha DFS, shirkadaha heshiiskan qaybta ka ah, rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay madasha ayaa xusay in heshiiskan uu wax-tar wayn u leeyahay Caasimadda oo sanadihii dambe samaynaysay horumarro waa-wayn oo dhinacyada ganacsiga iyo bulshada ah.
“Heshiiska korantada looga dhalinayo qashinka Caasimadda, waxa uu billow u yahay maal-gashiga ganacsatada Turkiga ee Magaalada Muqdisho,” ayuu hadalka uu ka jeediyay goobta ku yiri Mudane Yuusuf Madaale.
Dhanka kale, Sarkaal u hadlay shirkadda Turkiga laga leeyahay ee qaybta ka ahayd heahiiska ayaa sheegay in heshiiska ujeedkiisa uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhiso warshad koronto dhamaadka sanadka soo socda ee 2024, warshadaas ayaa waxa ay soo saari doontaa koronto awooddeedu gaarayso 5.6 MW/saacaddii, taasoo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhawaad 40,000 oo guri.
Ugu dambeyn, Mudane Ibrahim Maxamed Cali wasiir ku xigeenka wasarada tamara iyo kheyradka biyaha DFS ayaa isna xusay in helitaanka adeeg koronto oo tayo leh uu Caasimadda u fududeyn doono inay ku tallaabsato horumarka warshadaha oo baahi wayn ay xilligan Soomaaliya u qabto.

















