SAWIRRO: Dhallinyaro bartay Gargaarka Deg-degga ah oo Tababar loogu soo xiray Xarunta Dhallinyarada Gobolka Banaadir

0
382

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, mudane Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa tababar u soo xeray ku dhawaad 50 dhallinyaro ah oo ka kala socday degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay tababar la xariira gargaarka deg-degga ah (First Aid).

Tababarkan oo muddo todobaad ah ka socday xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir, waxaa casharro ka bixinayay qubaro caafimaad, si da’yarta ka faa’ideysaneysay casharradan ay u helaan aqoon ku aaddan in ay fidin karaan gar-gaarka deg-degga ah xilliyada loo baahdo.

Guddoomiyaha dhalinyarada maamulka gobolka Banaadir, ayaa ugu mahadceliyay aqoonyahannada casharrada bixinayay sida hufan oo ay tababarka u bixiyeen, waxa uuna dhinaca kale dhallinyarada ka faa’iideysatay fursadaan kula dar-daarmay in cilmiga ay barteen gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here