Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad, kulankiis 13-aad oo lagu meel-mariyay sharciga korontada Qaranka.
Ajandaha kulanka maanta oo ahaa akhrinta labaad ee sharciga Korontada Qaranka ayaa dood iyo aragtiyo kaddib, waxa uu guddoomiye Timacadde go’aamiyay in sharciga la ansixiyo maadaama aysan jirin qaladaad sharci oo ay tilmaameen Sanatarrada, isla markaana ay ku qancaan sida ay uga soo shaqeeyeen sharciga guddiga kheyraadka Qaranka ee Aqalka Sare.
Intaas kaddib, Senetarrada Aqalka Sare ayaa cod gacan-taag ah uqaaday sharciga, iyagoo 32 ka mid ah xubnihii kulanka joogay ay ansixyeen sharciga, mana jirto cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Timacadde codeeynta kaddib.
Ugu dambeyn, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Taqal Cabaas ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahadceliyay iyagoo gudanaya waajibaadkooda Qaran sida ay u meel-mariyeen sharciga Korontada Qanka oo muhiim u ah dalka.















