Maalinta Warfaafinta Soomaaliya (21-ka Jannaayo 1973-kii)

0
361

Af Soomaaligu waxa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra illaa webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.

Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas ah oo ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxa ay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Bishii Oktoobar 21-keedii, sannad-guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972-kii ayuu guddoomiyihii golihii sare ee Kacaanka, Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqay go’aanka ah in farta laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyada oo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyay nidaamka erayada loo kala qaybinayo.

Bishii Jannaayo 21-keedii 1973-kii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka kasoo baxo wargeys ku qoran farta Soomaaliga, maalintaas ayaana loo asteeyay inay noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran far Soomaali ayaa subaxaas lagu waabariistay iyada oo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda-galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay far Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.

Wargeyskan ka hor intaan lagu qorin farta Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana lasoo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969-kii, waxa uuna ku ekaa 1973-dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar farta Soomaaligana lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969-kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970-kii. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somalo wuxuuna ku soo bixi jiray Taliyaani, waxa uuna soo bilaabmay 1950-kii, isaga oo socday illaa 1969-kii oo dalka la wareegay Kacaanka.

Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga, taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.

Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna illaa maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib-darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la’aan qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.

Dhallinyaradii kusoo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil ama hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga, taasina waxay keentay in qof walba siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow xilli dhaw ay bilaabmeen ururro iskood isku xilqaamay oo ku baraarugay inay tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.

Waxaase nasiib-darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin inay hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo siday rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xitaa inay wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan inay u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya inay wax qoraan, inay waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faa’iideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan inay meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.

Ugu dambeyn, anigoo ka faa’iideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed badqab iyo caafimaad. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri ay ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka.

Abuukar Xaaji Goobdoon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here