Guddoomiye Madaale oo kormeer u kuur-gelidda Amniga Caasimadda ah ku tagay Koontaroollo: SAWIRRO

0
535

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa xalay kormeer ku saabsan u kuur-gellida amniga Caasimadda ku tagay baraha kontorol ee ku yaalla degmooyinka qaybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa booqday koontaroollada laga soo galo Caasimadda ee ku yaalla dhanka Bari, waxa uuna warbixinno amniga khuseeya kaga dhageystay saraakiisha iyo ciidankii uu kula kulmay goobihii uu booqday, isaga oo ku dhiirri-geliyay sida ay had iyo jeer heeggaanka ugu yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga dhagarta cadowga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here