Agaasimaha Guud ee Bilic soo celinta iyo Nadaafada Gobolka Banaadir Md. Sharmaarke Caddow Tuuryare ayaa maanta Booqasho dhiiragelin ah ku tagay iskuulka Alfatih oo ay Ardaydiisu sameyeen Olole Isxilqaan ah.
Agaasime Sharmaarke ayaa Ardayda ku amaanay sida quruxda badan oo ay ugu qeybqaateen Bilic soo celinta Iskuulka, Asigoona kula dar-daarmay in la dhowro Nadaafada iyo Bilicda goob weliba. Waxaa uuna ka codsaday dhamaan ardayda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Bulshada Gobolka Banaadir in ay ka qeyb qaataan Bilic soo celinta Magaalada Muqdisho.














