GUDDOOMIYE MADAALE: Cid soo baxday ma jirto Cadowga Beryahaan Duqeyn Cirka ah ayaa ku Socotay: MUUQAAL

0
241

Guddoomiuaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qaybgalay kulan lagu taageerayay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ay wadaan ciidamadda Qaranka ayaa sheegay inay muhiim tahay in deegaannada laga xoreeyo cadowga ay ku jiraan gacanta dowladda.

“Waa inaan muujinaa midnimadeenna ku aaddan la-dagaallanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo,” ayuu yiri guddoomiye Madaale oo intaas ku daray in aysan jirin aagag laga soo baxay, balse xeeladihii dagaalka wax laga beddelay oo dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay cadowga laga duqeynaayay cirka. Ciidankuna ku laaban doono aagaggii dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here