Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qado sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda shirkadda Zadelar oo ah shirkad ku taqasustay dhismaha iyo maareynta biyo-areennada, waxa ayna horey ugu soo shaqeysay waddamo badan oo ka tirsan Caalamka.
Shirkadan oo casuumaad rasmi ah ka haysata maamulka Gobolka Banaadir, si xal loogu helo biyo-mareenada magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shirar la qaateen guddi garsamo iyo Injineerro uu maamulka gobolka Banaadir u xil saaran dib-u-dhiska iyo zal u helida bullaacadaha Muqdisho.
Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee Gobolka Banaadir, xoghayaha guud, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Injineerro Soomaaliyeed oo ku taqasusay dhismaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay madaxda shirkadda Zadelar sida ay u aqbaleen casuumaadda loo fidiyay, asiga oo xusay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in ay kaashato cid weliba oo Gobolka Banaadir kala shaqeyn karta maareynta iyo xal-u-helida bullaacadaha magaalada Muqdisho.





































