Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta kormeray isbataalka Banaadir./Sawir.

0
171

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Fikish) ayaa Maanta kormeray isbataalka Banaadir ee Magaalada Muqdiho.

 

Kormeerka Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid uu ugu kuur gelayey sida loogu Khidmeeyo shacabka ku nool Magalada, waxa uuna si hoose u booqday qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay isbataalka, sida Qeybta lagu xanaaneyo Caruurta iyo Qeybta loogu tala galay keydinta Ogsojiinka oo lagula tacaalo dadka uu soo rito Xanuunka Covid19 taasoo ay gacan ka geysteen Hormuud/Salaam fondishion.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho oo uu kormeerka ku wehliyey Agaasinka Caafimaadka Dowladda Hoose Maxamed Cadoow ayaa kadib waxa kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Caafinaadka Fosiyo Abiikar Nuur iyo Shaqaalaha Cusbataalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here