Cayaartoyda Gobolka Banaadir ku metelaya Koobka Maamul Gobollada ee ka dhacaya Muqdiaho la xareeyay: SAWIRRO

0
241

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si rasmi ah u xareeyay macallimiinta iyo ciyaartoyda xulka kubadda cagta ee matalaya gobolka Banaadir si ay ugu diyaar garoobaan tartanka kubadda cagta ee dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dhawaan ka furmaya Muqdisho.

Kulan dardaaran iyo kala aragti qaadasho u badnayd ayaa waxaa ka qayb-galay agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, mudane Cabdullahi Aadan Muuse, guddoomiyaha kubadda cagta gobolka Banaadir, guddoomiyaha naadiga Dowladda Hoose ee Xamar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiye C/casiis ayaa kula dardaarmay xulka dhallinyarada kubadda cagta gobolka Banaadir inay sanadkan difaacdaan koobka tartanka kubadda cagta ee Dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadan ayaa dhammaan cayaartoyda iyo macallimiinta kula dardaarmay inay shacabka reer Muqdisho ay guul ka sugayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here